
Magaalo madaxda Wiesbaden iyo Guud ahaan Gobolka Hessen waxaa lagu soo rogey in ey ka dhaqan galaan Xeerarkan soo socda ilaa iyo 5 bisha April ee nagu soo socoto.
- Dadweynaha waxaa lagu wargelinayaa iney yereyaan isku iimaanshaha kabaxsan gurigooda.
- Dadweynaha waxaa lafarayaa in aanan loo ogeleyn in kabadan 2 qof iney Banaanka ku wada kulmaan. Joogista banaanka waxaa ugu macquulsan inaad kaligaa kaliya baxdid ama 2 qofood aad ku baxdiin iyo qofkale oo isku guri aanan ku nooleen. Laga reebo Familka isla nool iney iswada raaci karaan.
- Banaanka waa inaa ugu yaraan adi iyo dadka kale idiin dhaxeesaa 1 meter iyo bar(1,5 meter).
- Waxaa si caadi ahaan u socon doono ,Shaqo aadista ,Xanaaneyayaasha, Soo adeegashada, Dhaqtar booqasha, imtixaanada ,Caawinta dadka kale iyo Sport tiga shaqsiyadeed.
- Shirkadaha leh maqaayadaha laga cunteeyo waa in si dag dag ah loo xeraa. Laakiin waxaa loo ogol yahay oo kaliya in wax laga dalban karo una geyn karaan dadweynaha . hadii aad wax dalbadid oo aad rabtit inaad adiga doonato waa inaa marka hore telefoonka aad ku wargalisaa.
- Timajarayaasha,meelaha la isku qurxiyo(Kosmetikstudios) iyo wixii la halmaala waa in la xeraa, laakiin laga reebo Goobaha caafimaadka oo aan laga maarmin.
- Basaska iyo tareenada waxaa loo ogol yahay in sidii caadiga aheyd dadka ay u qaadi karaan laakiin dadku iska kala sikadaan.
- Waxaa la qaadi karin oo lo ogoleyn in dadka si bashaal ah ay iskugu imadaan banaanka ama guryaha dhaxdooda si ay waqti iskula qaataan.
- Xeerarkas kor ku qoran waxaa si adag u ilaalin doono dowladda hoose , kii jabiyaana ama ku xadgudbaa la ganaaxi doono.
- Waxaa furnaan doono: suuqyada raashinka laga adeegto sida dukaamada iyo wixii lamida, Bankiyada(Banken),meelaha kaalimaha shidaalka , Melaha geenta iyo soo qaadista , Farmashiyaha,Goobaha Farsamo gacmeedka , Goobaha lagu iibiyo oo kiyaalaha , Dhaqtarka farsameeyo qalabka dhagoolayaasha(Hörgeräteakustiker), Goobaha adeegyada boostoyinka la iskaga gudbiyo, Kioske, Goobaha joornaaalada lagu iibiyo , Goobaha dharka lagu dhaqdo , Goobaha lagu gado ubaxyada ,Goobaha wax lagu nadiifiyo, kuwa kashaqeeyo jardiinooyinka lagu beero geedaha, Ganacsiga waa weyn iyo Ganacsiga online ka ah.
Iskuulada Gobolka hessen wax xiso ah ama cashiro ah kama jiridoonaan ilaa iyo 18. April.
Goobaha lagu cibaadeesto sida masjidda, kaniisadaha etc iyo isku imaanshaha goobahas waa lamam nuucey.
Haddii aad suaal kusaabsan cudurka covid-19 aad qabtid waxaa kala soo xariiri kartaa maalin walbo 8 ilaa 20 Uhr (saacadda) taleefonadaan soo socdo: 0611-31-8080 wargalin dowladda hoose, 0800-5554666 wargalin dhamaan Gobolka Hessen, Booliska dowladda hoose oo u qaabilsan ilaalinta xeerarka 0611-314444.
Cudurka tirida laga helay Coronavirus magaalada Wiesbaden(soobaxdey: 22. März 2020, 15 Uhr): Xaqiijin 99 qafood oo laga helay cudurka covid-19 iyo inkabadan 3000 oo qof oo looga shakisanyahay kuwaas oo ah kuwa kasoo laabtey safarada iyo kuwa dagan magaalada. Dadkaas oo hadda ku karintiilan guryahooda.
Die VRM-Zeitungen Mensch!Westend und Wiesbadener Kurier erstellen dieses Angebot in Kooperation mit der Landeshauptstadt Wiesbaden und dem Verein MigraMundi.
Gepostet in: //Allgemeines