• //Startseite
  • //Mediadaten
  • //Impressum
  • //Datenschutz
  • //Cookie-Einstellungen
Logo
  • Facebook
  • Instagram
  • //Westend
    • //Essen und Trinken
    • //Mein Westend
    • //Umfrage
  • //Ratgeber
  • //Unterhaltung
  • //Blogs
    • Mustafas Welt
    • Kubis-Blog
    • Schickels Geschichten des Westends
  • //PDF-Ausgaben

Corona-News in Wiesbaden auf Somalisch – 16. April 2020

17. April 2020 · admin

Foto: gt29 – stock.adobe

Waxaan idinku wargelinaynaa xeerarka cusub ee viruska corona ee Wiesbaden iyo Hessen. waatan soo-koobitaankeennii 16.Abriil , 2020. Xeerarku waxay socon doonaan illaa 3.May , 2020. Dowladdu waxay go’aamadeeda cusub ka gaari doontaa 30.Abriil , 2020

Xayiraadaha xidhiidhka iyo booqashooyinka:

  • Xayiraadda isla xidhiidhka dadka ayaa soconaya illaa ugu yaraan 3-da May, 2020. Tan micnaheedu waxaa weeye,  in laba qof oo keliya loo oggol yahay in ay bannaanka ku kulmi karaan oo ay waliba masaafaddoodu 1.5 mitir ka fog yihiin dadka kale. Qoysasku wali way wada bixi karaan. Waxaad ka heli kartaa macluumaad dheeri ah oo ku saabsan xayiraadda la xidhiidha qodobkayaga ku taariikhaysan Maarso 23:  https://bit.ly/345jkCy
  • Booqashada isbitaalada, guryaha dadka da’da ah iyo guryaha xanaanada waa la mamnuucay. Ka dhaafitaan ayaa loo sameyn karaa booqashada ehelka uu qof ka dhinto, tusaale ahaan.
  • Waxaa jira ganaaxyo u dhexeeya 200 iyo 5000 euro qofkiiba haddii aan qawaaniinta  la raacin.

Iskuulada & Xanaanoyinka

  • Iskuulada ku yaala Hessen waxay si tartiib tartiib ah dib ugu furmi doonaan laga bilaabo 27.Abriil .2020. Laakiin marka hore kaliya fasalada kama dambaysta ah (Abschlussklassen) laga bilaabo dugsiyada sare, dugsiyada hoose iyo kuwa dhexe. (Gymnasien, Real- und Hauptschulen.)  Kadibna waxaa jira heerar dhexe. (Mittelstufe, Grundschulen) Dugsiyada hoose ayaa markale furmi doona mar dambe.
  • Xanaanada iyo xarumaha xanaano (xarumaha xanaano maalmeedka) ayaa wali sii xidhnaan doona.

maxaa furan, maxaase xidhan?

  • Laga bilaabo Isniinta 20 Abril, Ganacsatada leh meheradaha iibka oo gaadhaya ilaa 800 mitir oo laba jibbaaran ayaa dib u furmi kara. Iyadoo aan loo eegin aagga iibka, tani waxay sidoo kale qusaysaa dadka ka ganacsada baabuurta, kuwa ka ganacsada baaskiilka iyo dukaamada buugaagta.
  • Makhaayadaha, baararka ayaa wali sidoodii u xidhnaan doonaa , kaliya waxaa la ogolyahay dalabaadka ama soo qaadida iyo adeegyada gaarsiinta  .makhaayadaha jalaatada  barafka ayaa bixin kara adeega dalabaadka gaarsiinta ah laga bilaabo Abriil 20, 2020.
  • Timo-jareyaasha : Hessen waxaa loo oggol yahay inay dib u furan  karaan  laga bilaabo 4.May.2020, laakiin waa inay u hoggaansamaan tallaabooyinka ilaalinta nadaafadda.
  • Kaniisadaha, masaajidda, sunagogyada iyo meelaha kale ee lagu cibaadeysto ayaa xidhnan doona.
  • Dhacdooyinka waaweyn sida xafladaha dhaqanka ama ciyaaraha kubbadda cagta (oo ay la leeyihiin Taageerayaal) ayaa mamnuuc ah ilaa Agoosto 31, 2020.

Qalabka afka lagu xidho

Dowladdu waxay ku talineysaa in la xidho maaskaro dabacsan marka la adeeganayo ama la saaranyahay basaska iyo tareennada. Laakiin taasi shardi ma aha.

Telefoonka macluumaadka ee magaalada Wiesbaden: maalin kasta saacadu markay tahay 8:00 subaxnimo ilaa 20:00  Fiidnimo  0611-31-8080.

Khadka tooska Hessen ee loogu talagalay su’aalaha iyo macluumaadka ku saabsan viruska Corona: 0800-555 4666 – maalin kasta laga bilaabo 8:00 subaxnimo illaa 8:00 Fiidnimo

Kiisaska ‚Coronavirus‘ ee Wiesbaden (16. Abriil.2020, 15 :00 ): 269 xaaladood oo COVID-19 ah. , 181 qof ayaa loo tixgelinayaa inay soo kabtaan, sagaal qof ayaa dhintey.

Gepostet in: //Allgemeines

  • Creative Commons Lizenzvertrag
    Die Texte von Mensch!Westend sind lizenziert unter einer Creative Commons Namensnennung - Nicht kommerziell - Keine Bearbeitungen 4.0 International Lizenz.

  • Kontakt Mensch!Westend

    0611 / 355 - 5252
    westend@vrm.de
    facebook.com/menschwestend
  • Theme: Debut
  • Proudly powered by WordPress